Dawladda Jabuuti Oo Shaacisay Qodobo Ay Ku Heshiiyeen Dawladda Faransiiska
March 13, 2019 - Written by C M
Jabuuti-(GLN): Dawladda Jabuuti Oo Shaacisay Qodobo Ay Heshiis Ku Gaadheen Madaxweyne Geelle Iyo Dhigiisa FaransiiskaJabuuti(HWN):-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadda hadal la yeeshay wefti uu hogaaminayey madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron oo soo gaadhay wadankaasi. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulanka uu la qaatay weftiga ka socday dalka Faransiiska ee uu hogaaminayey madaxweyne Emmanuel Macron waxa ku wehelinayey wasiirka arimaha dibada, wasiirka tacliinta sare, wasiirka gaashaandhiga, taliyaha guud ee ciidamada qaranka Jabuuti iyo safiirka jabuuti u fadhiya wadanka faransiiska, halka madaxweyne Emmanuel Macron ay wehelinayeen wasiirka arimaha dibada, wasiirka tacliinta sare, xoghaye dawladeedka arimaha deegaanka, taliyaha guud ee ciidanka faransiiska. Ka dib markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa labada hogaamiye si wada jir ah ula hadleen warbaahinta waxaanay soo bandhigeen qodobada ay ka wada hadleen iyo is afgarad ay gaadheen. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ugu horayn ka hadlay kulanka uu la qaatay madaxweynaha faransiiska ayaa shaaca ka qaaday in hogaamiyaha faransiiska ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada wadan isaga oo xusay inay labada dal wadaagaan taariikh mudo soo taxnayd taas oo uu ka dhaxeeyey xidhiidh hore oo soo jireen ah. Madaxweynaha faransiiska Emmanuel Macron oo dhankiisa ka hadlay kulanka uu la qaatay hogaamiyaha Jabuuti waxa uu sheegay in muhiimada ay u leedahay dalka jabuuti ay ka markhaati kacayso sida uu safarkiisa afrika uga bilaabay, waxaanu xusay inay ka wada hadleen madaxweynaha Jabuuti iskaashiga labada dal isaga oo tilmaamay in qodobada ugu muhiimsan ee ay isla garteen ay ka mid yihiin maalgashiga tamarta jabuuti iyo iskaashi dhinaca gaashaandhiga ah oo ay yeeshaan labada dal. Wasiirka gaashaandhiga Jabuuti Cali Xasan bahdoon ayaa sidoo kale faah faahin ka bixiyey kulankii dhexmaray labada madaxweyne waxaanu yidhi “Socdaalka uu madaxweynaha Faransiisku ku yimid wadanka Jabuuti waxay muujinaysaa in xidhiidhka labada dal uu yahay mid heersare ah iyada oo safarkani ka mid yahay calaamadaha muujinaya inuu sii xoogaystay xidhiidhka labada dal, qaybta gaashaandhiga oo ahayd mid soo jireen ah oo ay labada dal lahaayeen ayaa laga hadlay sidii wax kale loogu sii biiran lahaa.โ Wasiir Bahdoon ayaa intaas raaciyey: “Waxa kale oo laysa gartay in la soo biiriyo xidhiidho dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo tababar jaamacadaha la siinayo ayaa muhiim ah oo lagu soo daray laakiin meeshii halbawlaha u ahayd xidhiidhka faransiiska iyo Jabuuti ee gaashaandhiga ayaa keentay in labada dal hogaamiyeyaashoodu ay shir gaar ah ka yeeshaan.โ Sidoo kale madaxweynaha dalka faransiiska ayaa booqday saldhiga ay ciidanka dalkiisu ku leeyihiin wadanka jabuuti, halkaas oo uu salaam kaga qaatay ciidamada ku sugan.
COMMENTS
|
-
Yaa daaha dabadiisa ka murmaya? Qore: Dr-Abdulqani Hussein Beder
Maqaalkani waxa uu jihaynayaa hab dhaqanka waalidka ee fahamka ilmihiisa iyo fahamka macallinka ee ...
Thursday, October 23, 2025
-
“๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐๐’๐๐๐ง๐ข ๐๐๐ ๐๐๐ญ๐ข๐ข๐ง ๐๐’๐๐๐ง” ๐๐๐ก๐๐ฃ๐ ๐๐: ๐๐๐ญ๐๐ข๐๐ ๐๐ช๐ช๐จ๐ช๐ ๐ฝ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฝ๐๐๐๐.
"๐๐ช๐จ๐จ๐ง ๐๐'๐๐๐ง๐ข ๐๐๐ ๐๐๐ญ๐ข๐ข๐ง ๐๐'๐...
Thursday, October 9, 2025
-
Deeqsigii Degmada Xaaxi ee Hashii keliya ee uu lahaa u qalay Wasiirrada Somaliland!
Tuulada Xaaxi oo hoos tagta Gobolka Daad-madheedh ee Ood-weyne ayaa dadka halkaas ku nool oo ah dad...
Monday, November 9, 2020
-
Doorka Goleyaasha Deegaanka ee Abuurista Adeeg Bulsho oo Hufan. WQ: Axmed Nuur Muuse
Hordhac:
Jamhuuriyadda Somaliland (JSL) waa dalka qudha ee ku yaalla Geeska Afrika ee ay doorash...
Friday, November 6, 2020
-
WAHSIGA. WQ: Ciise Maxamuud Geelle (Ciise Waddani)
Anas Ibnu Malik Waxa uu Nabiga kasoo maqlay s.c.w ducadan:- "Allow waxan kaa magan galay walwalka/w...
Sunday, November 1, 2020
-
Maxaa Ka Khaldan Injineerada Dhismaha Mise Qandaraasleyaasha Kham-khama? WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Markii iigu horaysay waxaan bookhday laba dhisme oo waaweyn oo dhawaan loo dhisay laba hayโ...
Monday, October 12, 2020
-
Cibaadada fekerka/fikirka. WQ: Ciise Waddani
โWaa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda...
Tuesday, July 21, 2020
-
Baryadda Alle. Qalinkii: Hal-abuur Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
โRabbigiin wuxu idin leeyahay I barya waan idinka aqbaliye, kuwa iska weyneynaya cibaadadeyda wax...
Monday, February 24, 2020
-
Mareykan iyo Iiraan: Laba Abeeso Oo dhiiggayga Jaqaayey, Maanta Ma Is Cunayaan? WQ: Dr. Abdulqani Hussein Badder
Labadii u heshiiyey burburinta muslimka sunniga ah, labadii
Ciraaq, dilay ee deldelay Saddaam Xusee...
Thursday, February 6, 2020
-
Fahanka Wakhtiga iyo fariinta waayaha. WQ: Ciise Maxamuud Geelle “Ciise Waddani”
Muddada jiritaanka jidhka basharka iyo nagaanshaha ruuxdu xilliga uu gaadho ayaa laba siyood u muuq...
Thursday, January 23, 2020
-
Guushu Waa Garashada Iyo Garowshiiyaha| Sicirbararka iyo Qiima dhaca Shilinka| WQ: Dr. Cabdiqani Beder
Sababta ugu weyn ee qiima dhaca shilinka Soomaaliland loo xakamayn kari laโyahay waa fahamka gurr...
Tuesday, January 14, 2020
-
Waxa uu goโaansaday in uu is dilo! WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen “Beder”
"Waxa aan ku daalay noloshii, ixtiraamna kuma haysto halkan, cid i daryeeshana ma haysto, sidaa awg...
Tuesday, January 14, 2020
-
Qorshaynta Mustaqbalka fog. WQ: Dr. Cabdiqani Xuseen Muxammed (Beder)
Qofka Muslimka ahi waa qof aragti dheer oo ogaanshihiisu
ka tallowsan yahay waxa muuqda.
Culuumt...
Friday, December 20, 2019
-
Sidee loo dhisi karaa Somaliland la wada leeyahay? WQ: Mustafe Ismail Bulaale (Mustafe Dawlad)
โNinku yidhi sinaan mayno
adna buri sarayntiisa
sedka waad wadaagtaane
ma sagaashan baa ...
Friday, December 20, 2019
-
Hadallada Nacaybku Miyay Ka Mid Yihiin Xorriyadda Hadalka. WQ: Cabdiraxmaan Cadami
Qodobka 32-aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay in Muwaadin kasta uu xor u yahay in uu rayigii...
Sunday, November 10, 2019
-
Xabag-Barsheed: Xiddiga Diiwaannada Laga Qoray Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. WQ: Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
Waxa 28kii Feb 2019ka gacantayda soo galay Diiwaanka Xabag-Barsheed: Miisaanka Maansada S...
Wednesday, April 10, 2019
-
Af Soomaaliga: Marxaladda Maanta Iyo Jiritaankiisa Mustaqbalka. WQ: Khaalid Bulshaawi
Marxalado kala duwan iyo dadaalo is Xigay oo muddo dheer
soo socday Ugu danbayn sanadkii 1972 kii a...
Thursday, February 14, 2019
-
Adiga Ayaan Kuu Shaqeeyaa! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Hadda
ayuu kasoo galay shaqo iyo shirar qaatay saacado dhawr ah, oo uu la galay qaar
ka mid ah Goli...
Thursday, February 14, 2019
-
Balaayo Loo Baahan Yahay! WQ: Xamse Cumar Kujoog
Maalin wanaagsan, muddo kooban oo laba bilood ku siman 04-Dec โ 04- Feb ayaan halkan (Facebook) k...
Tuesday, February 5, 2019
-
Abwaan Dheeg iyo Buugga “Dhaxal Abwaan”. WQ: Faysal Jaamac
Weedho
ugu danbayn lahaa aan soo horreysiiyo: โTaariikh-suugaaneedka Abwaan Dheeg waa
daaqad ...
Sunday, January 13, 2019
-
Waa Maxay Dawladdi?
In
ka badan 3 boqol oo sanno kahor dhalashadii Ciise (cs) Philip II kalsoonaa buu
ku qabay qabs...
Sunday, January 13, 2019
-
Sirtu Waa Ku Qanacsanaanta Had ba Wixii Aad Haysato. By: Musa M. Isse
Si kasta oo dadyawga dunida ku nooli u kala duruufo duwan yihiin haddana waxa uu qof kastaa raadinay...
Tuesday, January 8, 2019
-
Xalka Lagu Furdaamin Karo Doorasho Somaliland Ka Dhacda March 2019. WQ:ย Musharax Axmed Maxโed Cisman Caalin
Tan iyo Aasaaskii qaranimada somaliland 1991 somaliland waxyaabaha lagu majiirto waxa kow ka ah naba...
Tuesday, November 6, 2018
-
Raadkii Saxaabada. WQ: DR. Jaamac Muuse Jaamac
Ma ay ahayn gef xilliga ah. Waxay ahayd 4.30kii. โKuwa Eebbe rumeeyayow, ooga salaadda, sidaasaa k...
Saturday, October 13, 2018
-
Is Kaa Wax U Qabsadii Ardayda Sheekh Bashiir Hargeysa. WQ: Maxamed Aadan Tarabbi
Waagii aan ku jiray Dugsiga Dhexe Ee Sheekh Bashiir Hargeysa waxaan Maamule Cawil iyo Khadra oo mark...
Monday, August 6, 2018
More Wararka
|