Cabdi Haybe: “Waxaanu ka digaynaa in Ganacsade Axmed Geele sharaftiisa iyo karamaadiisa la isku dayo in meel lagaga dhaco…”
April 3, 2019 - Written by C M
Hargaysa-(GLN): Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka
sare ee Waddani, is la markaa na ah Xoghayaha Hawlaha guud ee Xisbigan, ayaa ka
hadlay xiisada ka dhalatay dalabka dawladda Djibouti ee ah in loo xaraasho
hantida uu Axmed Cismaan Geele ku leeyaay Djibouti.
Cabdi Haybe Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa
sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xil ka qaadistii, isku bedelkii
iyo magacaabistii uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa, waxaanu ugu horeyn
yidhi: “Axmed Cismaan Geele, waa Ganacsade, waa Baayac-mushtar, maxbuus maaha,
baxsadna maaha, wax dambiyana muu galin, ee kolay dano gaar ahi wey muuqdaan,
ee waxaanu ka digaynaa in Ganacsade Axmed Geele sharaftiisa iyo karamaadiisa la
isku dayo in meel lagaga dhaco, cidda danta gaarka ah lehna waxaanu leenahay ka
digtoonadan inaad qaadan talaabo khaldan, oo dhib abuuri kara.”
Mar uu ka hadlaayey isku bedelka uu Madaxweynuhu ku sameeyey
Xukuumaddiisa iyo musuq-maasuqa ayaa yidhi: “Madaxweynuhu wuu ku amaanan yahay
inuu musuqmaasuqa wax ka qabato,xilkana ka qaado ciddii lagu tuhmayey
musuq-maasuqa, laakiin waa in Maxkamadda lala tiigsada cid kasta oo hantida
umadda boobtay, waana ka war haynaa boobkii iyo ku takrifalka hantida umadda ee
dhacay markii ay Xukuumaddii hore taladda dalka haysay, Dugsigii Haweenku wax
ku baranaayeen ayaa dano gaar ah loo isticmaalay, oo hanti gaar ah ayey laga
dhigtay, Guriyihii Ingiriisku inooga tageen ayaa si sharci daro ah loo
lunsaday,hantidii qaranka ka wada dhexeeysay ayaa cid gaar ah loo gacan galiyey,
boobkii hantida umadda ee la xalaashaday ayaa Madaxweynaha looga baahan yahay
inuu dib u soo celiyo gacanta dawladda, oo waliba cidda lagu helo Maxkamadda
waa in la soo saara, oo waajibkeeda laga gutaa”.
Mar uu ka hadlaayey mashaariicda horumarka iyo sida loo
qaybiyo ayaa yidhi: “Anigu Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha waan soo noqday,
Wasiiradda Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Beerahana waan soo qabtay,
Xukuumaddihii hore si cadaalad ah ayaa wixii mashaariic ah ee horumar ah ay ugu
qaybin jireen Gobolada kala duwan ee dalka, marka laga reebo Xukuumaddii Axmed
Siillaanyo iyo Xukuumaddan Muuse Biixi.”