Oday Reer Burco Ah Oo Beertiisa Qota Isaga Oo Kaadihaystiisa Dhinaca Ku Sita
July 26, 2019 - Written by C M

Burco-(GLN): Xuseen Aadan Xasan, waxa uu ku nool magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Waxa uu in muddo ah la tacaalayey dhib ay gaadhsiiyeen rasaas jidhkiisa ku dhacay, oo waxyeello na u geystay. Isaga oo kaadihaystiisa dhinaca ku sita, ayuu hadda na tabcadaa oo uu beertiisa qotaa.

Xuseen, waxa uu sheegay in uu hadda u baahan yahay in laga caawiyo qarash uu is ku daweeyo. Weriye Xasan Xandulle “Duncarbeed” oo Xuseen beertiisa Burco ku la kulmay, ayaa warbixintan ka diyaariyey.

Gacanlibaaxnews.com

News Desk

COMMENTS