Aragtiyaha Madaxweyne Muuse Iyo Axmed Siilaanyo Ay Ka Kala Aaminsanyihiin Dulqaadka Iyo Faraqa U Dhexeeya Labadooda Fikir
July 31, 2019 - Written by C M
Hargaysa-(GLN): Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu jeediyay maalintii Axadii ee toddobaadkan, wuxuu qayb ka mid ah kaga hadlay ‘dulqaadka’ oo uu ku tilmaamay inay walaalo yihiin doqoniimada.
Hadalkaas Madaxweyne Biixi ayaa
wuxuu bulshada ka dhex abuuray hadal hayn badan, waxaanay dad badani
isweydiiyeen sababta keentay in Madaxweynuhu dulqaadka iyo doqoniimada is garab
dhigo.
Madaxweyne Biixi oo khudbadiisan
kaga hadlay dadka weerarada u gaysta ciidamada kala duwan ee dalka iyo
khasaaraha ka dhasha, ayaa yidhi “Xukuumadu ha dulqaadato dadka hala waaniyo
gacan qabow halagu maamulo; laakiin dulqaadka iyo doqoniimadu waa walaalo lama
kala saari karo.”
Madaxweynaha khudbadiisa oo ahmiyad
lahayd, kana hadlaysay khasaaraha ka soo gaadha ciidamada dalka weerarada ay
dadka qaar u gaystaan oo u baahan xal, ayaa haddana waxa khudbadiisa shiikhiyay
kelmada uu isku garab dhigay dulqaadka iyo doqoniimada oo uu weliba yidhi waa
walaalo.
Siilaanyo:
Madaxweynihii hore ee uu Madaxweyne
Muuse Biixi xilka kala wareegay, in badana ay rafiiq ku ahaayeen siyaasadda,
ayaa waxa xusid mudan in sannadkii 2015 uu jeediyay khudbad aad moodo inay
jawaab u noqonayso khudbada Madaxweyne Biixi ee maanta. Axmed-siilaanyo oo
maalintii 18 May ee 2015 jeediyay khudbadaas, wuxuu dulqaadka ku tilmaamay
inaanu ahayn doqoniimo balse uu yahay sahayda siyaasiga suuban, “Sabirka iyo
dulqaadku ma’aha doqoniimo, balse, waxaan u aqaan sahayda siyaasiga suuban…”
ayuu yidhi Axmed-siilaanyo.
Si kastaba ha ahaate, waxa muuqata
inuu faraq u dhexeeyo hoggaaminta siyaasadeed ee Madaxweyne Biixi iyo
saaxiibkii Axmed-siilaanyo oo door libaax ka qaatay inuu ku guulaysto
doorashadii 2017 dalka ka dhacday.
Hadalka Madaxweyne Biixi ayaa noqday mid bulshadu faaqiday oo ay isweydiisay sababta ka keentay Madaxweynaha isagoo ah hoggaamiyihii dalka. Hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee dunida soo maray ayaa kuwooda ugu hoggaaminta wanaagsanaa waxay caan ku ahaayeen dulqaadka.