Xukumada Somaliya Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashay Dhalinyaro Somali ah Oo Dalka Hindiya Dil Xukumay.
September 26, 2016 - Written by

Xukumada Somaliya Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashay Dhalinyaro Somali ah Oo Dalka Hindiya Dil Xukumay.

Muqdisho(GLN)_Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Somalia aysan ku qanacsanayn xukunkii dilka ah ee Dowladda India ay ku ridday dhalinyarada Soomaaliyeed, madaama aysan helin fursad ay isaga difaacaan eedaymaha loo soo jeediyay.

“Xukuumadda Federaalka ah kuma Qanacsano xukunka Dowladda Hindiya ay dhaliyaradda Soomaaliyeed ee ku xirnaa Xabsiyada dalkaas ku ridday, qof kasta oo bini’aadam ah, wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xukun cadaalad ah, sidaa daraadeed – waxaan aaminsan nahay in muwaadiniintaas Soomaaliyeed aysan helin cadaalad maadaama an fursad loo siinin inay Qabsadaan Qareenno u Doodda ama ka Difaaca eedaymaha loo haysto,“ ayuu yiri RW-ha Sharma’arke.

Sido kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay kala hadli doonto Dowladda Hindiya Xukunka ay ku Ridday Dhallinyarada Soomaaliyeed, Gaar ahaan kuwa ku jira Xabsiyada waddankaas sidii ay ku heli lahayeen Daryeel Bini’aadamnimo iyo Xukun cadaalad ah.

“Dowladda Hindiya waan kala hadli doonnaa Dhallinyarada ku jirta xabsiyadeeda si ay u helaan daryeel bini;aadamnimo iyo xukun cadaalad ah, Waxaana sidoo kale la wadaagi doonnaa in Xukuumadda Somalia ay aaminsan tahay in xukunkii lagu riday dhallinyarada Soomaaliyeed uusan ahayn mid cadaalad ah, aysana xaq u helin inay helaan fursad ay isku difacaan,” ayuu Sharma’arke hadalkiisa ku daray.

Xukuumadda India ayaa maalin ka hor xukun dil toogasho ah ku ridday illaa 50 Dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Burcad-badeed lagu soo qabtay hawl-gallo Ciidamada badda Hindiya ay ka sameeyeen Bad-weynta Hindiya intii u dhexeysay sannadihii 2011-kii illaa 2012-kii.

Ugu dambeyn, RW Somalia ayaa xusay in xukuumadda Soomaaliya ay dadaal wayn ku bixin doonto sidii dhalliyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada Caalamka ay u heli lahaayeen xukun cadaalad ah, isla markaana ay qayb ka mid ah Xukunkooda ugu qadan lahayeen xabsiyada Soomaaliya ku yaalla.

 

COMMENTS