Sheekh Mustafe ayaa markii ugu horreysay ka warramay taariikhdiisa
Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haaruun wuxuu ka mid yahay ka qeyb galeyaasha Kulanka Culumada Soomaaliya, oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna markii ugu horreysay madashaas uga hadlay taariikh nololeedkiisa.
Mu’tamarka uu ka qeybgalayay waxaa ka qeybgalay 12 culimo oo Soomali ah oo ay ka mid yihiin Sheekh cabdirashiid Sheekh Cali Suufi iyo Sheekh maxamed Idiris.
Wuxuu Nairobi ka socday 14 illaa 16-kii bishan December kaas oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen dhageystayaal badan oo su’aalo weydiiyay culimada.
Sheekh Mustafa Waxyaabaha uu ka sheekeeyay waxaa ka mid ah in marar badan ay xirtay dowladdii hore ee Soomaaliya.
Isagoo la hadlayay dadkii isugu tagay kulanka Culumada wuxuu sheegay in uusan waligiis Idaacad ama Telefishin uga warramin arrimaha ku saabsan taariikhdiisa, marar badan oo ay ka codsadeenna uu ka gaabsaday.
Waa kuma Sheekh Mustaf?
Ugu horreyn wuxuu si kooban uga hadlay, abtirkiisa, arrimaha qoyskiisa iyo dhalashadiisii.
“Reer wadaaddo ah baan ka dhashay, aabahay xaaji buu ku magac dheeraa, nin sheekh ah ayuu ahaa.” Wuxuu intaa ku daray in awowyadiina ay ahaayeen culimo.
Sh. Mustafa wuxuu ka mid yahay culumada Soomaaliyeed ee isku bartay culuunta diinta iyo maaddigaba
Sheek Mustafa ayaa sheegay in uu ka mid yahay dadkii ku dhashay dhulalka baadiyaha ah, oo geed hoostiis lagu dhalay.
“Anigoo magaalada Burco jooga ayey jabhadihii soo galeen, markaas ayaan waddanka ka baxay oo aan Yurub geeyay niman xanuunsan oo aan walaalo nahay, dowladdii Soomaaliyana waxay dhacday anigoo Yurub jooga”, ayuu yiri Sheekh Mustafa.
“Meel kasta oo dad lagu xiro waa la igu xiray”
Sheekha ayaa sheegay in marar badan la xiray intii ay jirtay dowladdii hore ee Soomaaliya
Arrinta dad badan soo jiidatay ee qeybta ka ah taariikhda uu ka warramay Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil Haruun, waxay ahayd xarig marar badan ay u geysatay dowladdii hore ee Soomaaliya.
“Dugsiga farsamada ee uu Jarmalka ka dhisay magaalada Burco ayaan macallin ka noqday, laakiin muddo qiyaastii sannad iyo bar ah markaan joogay ka dib waxaa i xirtay dowladdii Soomaaliya”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku kusii daray: “Dowladdaas Soomaaliyeed ma rabo wax badan inaan ka sheego laakiin inta meelood ee ay wax ku xiri jirtayba waan soo maray.
“Saldhig boolis waa la igu xiray, NSS waa la igu xiray, xero guulwade waa la igu xiray, xero milatari waa la igu xiray, dhabarjabin waa la igu xiray, jeel waa la igu xiray, mararka qaarkood waxaan xabsiga ku jiray sannado, waligeyna maxkamad la ima taagin”.
Sheekh Mustafa ayaa sheegay inuu Dalka dibaddiisa dagganaa illaa sannadkii 1999-kii, ka dibna uu usoo guuray magaalada Hargeysa.
Kulanka ee uu Sheekh Mustafa taariikhdiisa kusoo bandhigay ayaa ah kii labaad ee ay isugu yimaadaan culumaa’udiinka Soomaalida.