WAR DEGDEG AH: WASIIRKII WARFAAFINTA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND OO CAAWA IS CASILAY
September 26, 2016 - Written by

WAR DEGDEG AH: WASIIRKII WARFAAFINTA MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND OO CAAWA IS CASILAY.

Wasiirkii Warfaafinta , Boostada, Isgaarsiinta iyo Hidaha iyo dhaqanka Puntland Maxamuud Xasan Soocade ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay gollaha xukuumadda Puntland.

Wasiir Soocade oo waraysi siiyay idaacadaha maxaliga ah, ayaa sheegay inuu iscasiladiisa uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. taasi oo uu Madaxweyuhu ka aqbalay.

Soocade wuxuu iscasilaadiisa ku tilmaamay mid shaqsiyadeed iyo arrimo isaga u gaar ah, isagoo meesha ka saaray khilaaf u dhexeeyay isaga iyo madaxweynaha

โ€œ iscasilaadayda madaxweynaha ayaan maanta u geeyay, waana ii iga aqbalay runtii, madaxweynaha warqad qoraal ah ayaan u geeyay oo ku saabsanayd iscasilaadayda, kuma imaan runtii colaad iyo xumaana anniga madaxweynaha iyo xukuumadda ka dhaxaysa ma jirto. waa arrin anniga uu gaar ahโ€ ayuu yiri Wasiirkii Warfaafinta Puntland.

Iscasilaada wasiirka warfaafinta Puntland ayaa ku soo beegmaysa iyadoo muddooyinkii u dambeeyay aad loo hadal hayay in Madaxweynaha Puntland uu isku shaadhayn uu ku samaynayo golihiisa Wasiirkadda.

Warar ayaa sheegaya in Soocadde damac ka hayo in uu ka mid noqdo Xildhibaanada cusub sidaas darteedna uu xilka isaga casiley.

Wasiir Maxamuud Soocade ayaa hore u soo noqday wasiirkii Ganacsiga Puntland, kadibna wuxuu noqday Wasiirka Warfaafinta Puntland oo uu maanta iscasilay, waxaana ay marar badan isku dhaceen Saxaafadda Madaxa banaan isaga oo ay marar badan ka soo baxeen hadalo dood badan dhaliyey.

COMMENTS