Asmara-(GLN): Madaxda dowladaha Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya, ayaa maanta ku kulmay magaalada Asmara ee caasimada Ereteriya.
Saddexda hoggaamiye, waxa ay yeesheen wadahadallo toos ah oo
qotodheer oo ku aaddan xaaladda ka taagan dalalkooda, iskaashiga saddex
geesoodka ah ee u dhexeeya iyo arrimaha ka soo cusboonaaday gobolka Geeska
Afrika.
Saddexda
hoggaamiye waxa ay mar kale ku celiyeen sida ay uga goโan tahay Heshiiska
Saddex Geesoodka ah ee ay saxiixeen bishii Sebtembar ee sannadkii 2018, waxayna
dib u eegeen waxyaabihii ka soo baxay dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan
hirgelintooda.
Saddexda
hoggaamiye waxa ay meelmariyeen Qorshe Hawleed Wadajir ah oo loogu talagalay
sannadka 2020 iyo wixii ka danbeeya kaasi oo xoogga lagu saarayo labada ujeeddo
ee isku-dhafan ee adkaynta nabadgelyada, xasiloonida iyo amniga iyo sidoo kale
sare u qaadidda horumarka dhaqaale iyo bulsho. Waxa ay sidoo kale ku heshiiyeen
inay dardargeliyaan dadaalkooda wadajirka ah si kor loogu qaado iskaashi heer
gobol oo wax ku ool ah.
Dhanka
ammaanka, saddexda hoggaamiye waxay isla qaabeeyeen qorshe sal-ballaaran oo
lagula dagaallamayo, lagagana takhalusayo halista guud ee ay wada wajahayaan,
oo ay ka mid yihiin argagaxisada, hubka, tahriibinta dadka iyo maandooriyaha.
Dhanka
horumarinta dhaqaale iyo bulsheed, waxay isku waafaqeen in ay mudnaanta siiyaan
abaabulidda khayraadka bini-aadam iyo kan dabiiciga ah ee faraha badan; iyaga
oo dhisaya, casriyeynaya, iskuna xiraya kaabayaasha dhaqaalaha iyo waaxaha
adeegyada iyo waxsoosaarkaba. Waxay sidoo kale muujiyeen sida ay uga
mahadinayaan, diyaarna ugu yihiin la shaqaynta saaxiibbadooda iyo daneeyayaashooda,
iyadoo lagu salaynayo is-ixtiraamid iyo kala-faaโidaysi siman.
Saddexda hoggaamiye waxay isku raaceen in ay si dhow ula tashadaan walaalahooda iyo Madaxda Dawladaha kale si loo xaqiijiyo yididdiilada dadkoodu u qabaan helidda Iskaashi dhex mara Geeska Afrika oo wax ku ool ah.
Warmurtiyeed laga soo saaray kulanka.
Raysalwasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed (midig), madaxweynaha Eriteriya, Isaias Afwerki (dhexda) iyo madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Waa na sawir maanta (January 26, 2020) laga qaaday kulanka saddexda hoggaamiye ee Asmara ka qabsoomay. Sawirka waxa la soo dhigay oo aanu ka soo xignnay: Abiy Ahmed โ Twitter.