Wasiirkii Amniga Jubbaland Oo Ka Warramay Sidii Uu Uga Baxsaday Xabsigurigii Muqdisho
February 8, 2020 - Written by C M
Buulaxaawo-(GLN): Labadii toddobaad
ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto
sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka
Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka
baxsaday xabsi lagu hayay.
Dad badan waxay su’aalo iska
weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda
federaalka.
Janan, oo aan warbaahinta la hadlin
tan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, ayaa markii ugu horreysay BBC-da uga warramay
qaabkii ay ugu suurtagashay inuu ka fakado xabsiga lagu ilaalinayay.
“Sida uu horayba
sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya bulshada ugu caddeeyay, aniga
xabsi la ima geynin. Markii garoonka diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay
niman boolis ah oo labisan iyo niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah
dharcadka ayaana amrayay ciidanka”, ayuu yidhi.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu
BBC-da u sheegay in xaafado caadi ah lagu hayay intii uu ku jiray gacanta
ciidamada dowladda Federaalka.
“Markii la i qabtay kaddib waxaa la
i geeyay xaafad aad u fog, oo markii dambe aan gadaal ka fahmay inay ahayd
degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Muddadii shanta bilood ahayd ee la i
hayay, maalinba waxaa la i geynayay guri xaafad ka tirsan ilaa ugu dambeyntii
la i keenay guri ku yaalla xaafadda Shibis, halkaasoo aan muddo 7 cisho ah ku
sugnaa.
Janan ayaa ka hadlay qaabkii loola
dhaqmay intii gacanta lagu hayay.
“Aniga iyo niman askar ah oo dhowr
iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah,
halkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo
ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay
xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen
inay fuliyaan”.
Cabdirashiid Janan ayaa dhanka kale
faahfaahiyay sababihii loo sheegay in loo xidhay.
“Markii ugu horreysay waxaa la ii
sheegay in sababta la ii xiray ay tahay dalab ku aaddanaa inaan dowladda
Federaalka ku wareejiyo ciidamo 1000 askari ah oo daraawiish ah, laakiin ma
aqbali karin arrintaas, balse aniga waxaan fahansanaa in la ii xiray arrimo ku
saabsan doorashadii ka dhacday Kismaayo, waxaana la igula kaftamay in la iga
daba keeni doono madaxweyne Axmed Madoobe”, ayuu yidhi.
Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya
ayaa horay u beenisay in arrimo siyaasadeed loo xiray Janan, laakiin waxay
shaacisay in loo heystay eedeymo ku saabsan tacaddi bani’aadannimo.
Markii aan weydiinnay su’aasha ku
saabsan inuu ka warramo qaabkii uu ku baxsaday, Cabdirashiid wuu qoslay,
wuxuuna ka bixiyay sharraxaad:
“Way jirtaa inaysan cidna i sii
deynin, howl aan aniga isku xidhxidhayay oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan kusoo
baxsaday”, ayuu yidhi.
Isagoo sii faahfaahinaya ayuu yidhi:
“Markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda
federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go’aansaday inaan qorsheeyo
sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo
mitir ayaan soo maray badda”.
“Markii aan baxay kaddib saddex
maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan
xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed
oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa”, ayuu yidhi.
Janan ayaa ka gaabsaday inuu si cad
u sheego magacyada dadkii garabka ku siiyay inuu baxsado.
Wuxuu si kooban u sheegay inay
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda gacan ku siiyeen inuu baxsado.
Dhinaca kalena wuxuu beeniyay warar
sheegayay in diyaarad millatari oo ay leedahay dowladda Kenya lagu geeyay
magaalada Nairobi.
Wuxuu sheegay inuu hadda ku sugan yahay Buulaxaawo qorsheynaya inuu qabta degmoyin ka tirsan gobolka Gedo.