DOORASHADA DIB LOO DHIGAY, DABIN MUUSE LOO DHIGAY, ANIGU WAAN KU DIIRSADAY.
September 27, 2016 - Written by

bx

Waxaan marka hore tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan shacbiga Somaliland ,siiba taageerayaasha Xisbigga UCID, oo Maxkamdda Sare  xalaalaysay inaanu xisbigaasi  ka qayb gelin tartanka  doorashada  Madaxweynaha , markay  goa’amisay  in Xisbigu Shirwayne ku qabsado ugu danbayn 25th Nov,2016. Haduu Aqoonyahan Jamaal guulaysto, suurta gal maaha inuu muddo 3 bilood ka yar uu  ku galo ololoha doorashada.Waxa kale oo goa’mada  Maxkamada hadheeyay mugdi iyo madmadow badan oo durba muran ka dhashy .Waxa kale oo halkan   bogaadin uga  dirayaa  Madaxweyne Siilaanyo oo gartay in labada doorasho la kala qaado. Danta guud waxay ku jirta in shacbigu toos u kala doorto  Dr.Cirro iyo Col. Muuse Biixi. Haddii labada doorashu la isbarkiyo , waxa dhici lahayd in shacbigu  u  qaybsamo beelo oo qof  waliba taageero xisbigga uu ku biiro xildhibaanka beeshoodu. Tusaale ahaan, dad fara badan oo isbedel-doon ah oo maanta taageersan  WADDANI ayaa ku biiri lahaa  KULMIYE  haddii  xildhibaanka beeshoodu iska sharaxo KULMIYE . Hadaba, maanta shacbiga Somaliland ee jecel isbedlka waxay fursad qaali ah u heleen  inay toos u kala doortaan DR Cirro iyo Col Muuse. Waxay kala dooranyaan hogaamiyaha  Somaliland ka saari karaa godoonka siyaasadeed ; ictiraaf u raadin kara; Dabaqada danyarta ah  u heelin kara; Habarta xaabada sida xanbaari kara; Qofka  aan godob lahayn ee isku hayn kara Selel ilaa Sanaag; Qofka aan xoolada ummadda iyo beeraha  dhicin iwm.Waxaan Mar labaad  hanabalyaynaa Madaxweyne Siilaanyo oo  suldaaro u dhigay Col Muuse. Wuxuu u heeliyay shacbiga Somaliland, oo kala dorran doona   Dable & Diktoor, Qori & Qalin; Diploomasi  & Seef la- bood. Ugu danbayn,
Doorashada dib loo dhigay,
Danta shacabka Weeyaan,
Waa dabin Muuse loo dhigay ,
Anigu waan ku diirsaday.
Qalinka Drs Hoodo Yusuf, Uk,London.

COMMENTS