Xudeydi Oo London Ku Geeriyooday
April 8, 2020 - Written by C M

Alle ha u naxariistee boqorkii cuudka Soomaalida, Axmed Ismaaciil Xuseen “Xudeydi”, ayaa xanuunka Coronavirus ugu geeriyooda magaalada London ee waddanka Ingiriiska.

Xudeydi oo dhashay 1928kii, ayaa waxa uu ka mid ahaa aabbeyaashii fanka casriga ah ee Soomaalida, isaga oo si weyn loogu bartay tumiska cuudka. Waxa na uu sannadihii ugu danbeeyey deggenaa oo uu ku noolaa waddanka Ingiriiska.

Abwaan/macallin Siciid Saalax Axmed, ayaa BBC Soomaali waxa uu uga warramay taariikhdii Xudeydi.

Muuqaalka iyo sawirka: BBC Soomaali TV

Gacanlibaaxnews
News Desk

COMMENTS