Burco: Hooyo Agoon Haysata Oo Baahi Darani Haysay Oo $50,000 Lagu Wareejiyey
January 24, 2023 - Written by maamule

Waxa ay ahayd hooyo iyada iyo carruurteeda oo goon ah ay ku noolaayeen nolol adag iyo duruuf qallafsan, oo xilliyaga qaar ku kallifi jirtay in ay qashinka ka raadsadaan wax ay cunaan. Waxa ay urursan jireen biraha, si ay uga la soo baxaan wax ay cunaan. Waxa ay ku nool yihiin magaalada Burco Maalin maalmaha ka mid ah, waxa hooyadaa la kulmay oo warbixin ka sameeyey, Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon, oo gacanta ku haya barnaamijka “KAALMEE KUWAN”. Markii ay xaaladda hooyadaa iyo carruurteeda ay dadka u soo bandhigeen, dadku way u kaceen oo si fiican ayaa loo caawiyey. Guri afar qol ah, ayaa loo dhisay. Cabdimaalik, waa tii la xidhay ee jeelka uu galay. Markii uu soo baxay, ayuu dib u bilaabay hawshii caawinta, isaga oo hooyo Ruqiya ku wareejiyey $50,000 oo dollar.

Hoos ka daawo muuqaalka:

(3) Burco: Hooyo Agoon Haysata Oo Baahi Darani Haysay Oo $50,000 Lagu Wareejiyey – YouTube

COMMENTS