Tuugii Gaadhiga Xaday Ee Celiyay Ilmaha – Sheeko Layaab Leh Oo Ka Dhacday Oregon
October 9, 2025 - Written by maamule

Sanadkii 2021, magaalada Beaverton ee gobolka Oregon ee Mareykanka ayaa waxaa ka dhacay dhacdo layaab leh. Nin ayaa gaadhi xaday isagoo u maleeyay in ay tahay dhacdo xatooyo caadi ah. Laakiin markii uu fiiriyay kursiga dambe, waxaa ku dhacay naxdin — ilmo yar ayaa ku jiray gaadhiga!

Markii uu arkay ilmaha, tuuggii ayaa dareemay xanuun damiir ah, wuxuuna go’aansaday in uu gaadhiga dib ugu celiyo hooyada ilmaha. Markuu ku noqday, halkii uu si fudud ilmaha u dhiibi lahaa, wuxuu si cad u canaantay hooyadii sababtoo ah waxay ilmaha ku reebtay gaadhiga, iyadoo dukaameysanaysa. Ka dib markuu u jeediyay cashar ku saabsan ammaanka carruurta, tuuggii wuxuu si deggan dib ugu noqday baabuurkii, wuu na la cararay.

Dhacdadan cajiibka ah, ayaa si degdeg ah u qabsatay warbaahinta, dad badan ayaana la yaabay sida tuug xaday baabuur uu hadda na ugu damqaday badbaadada ilmaha. Sheekadani waxay xusuusisay bulshada halista weyn ee ay leedahay in carruurta lagu reebo gudaha gaadhi xidhan, xitaa daqiiqado kooban.

GNL

COMMENTS