Burkina Faso: Xukuumadda Milatariga Oo Xidhay Shaqaale NGO oo Lagu Eedeeyay Basaasnimo
October 10, 2025 - Written by maamule

Xukuumadda milatariga ee Burkina Faso, ayaa dhawaan xabsiga u taxaabtay siddeed shaqaale ah oo ka tirsan hay’ad samafal oo caalami ah, iyadoo ku eedeysay in ay ku lug lahaayeen basaasnimo iyo ururinta xog milatari oo xasaasi ah.

Shaqaalaha la xiray waxaa ku jira:
Labo Faransiis ah (midkood waa madaxa INSO ee dalka), hal Czech ah; hal Maliyaan ah Iyo afar muwaadin oo reer Burkina Faso ah.

Wasaaradda Amniga ee dalkaas, ayaa sheegtay in shaqaalahan ay soo ururinayeen xog la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada ciidamada, tirada askarta, iyo meelaha ay ka socdaan howlgallada milatari, kadib na ay xogtaas la wadaageen dowlado shisheeye. Dowladda ayaa ku tilmaantay falkaas “mid ka dhan ah amniga qaranka”.

Ururka ay ka tirsan yihiin, International NGO Safety Organisation (INSO), ayaa si adag u diiday eedeymahaas, isagoo sheegay in xogta ay ururiyaan ay tahay mid furan oo loo isticmaalo badbaadada shaqaalaha gargaarka ee ka howlgala goobaha dagaalka.

COMMENTS