Hargeysa: Maxkamadda Ciidamada Qaranka oo Xukun Dil iyo Xabsi Ciidan ah Ku Riday Dambiilayaal
October 13, 2025 - Written by maamule

Maxkamadda Ciidamada Qaranka ee Darajada 1aad ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday, Aabbi Muuse Cilmi, oo hore uga tirsanaa Ciidanka Qaranka JSL, kadib markii lagu helay dambi ah dil ulakac ah oo uu magaalada Hargeysa ugu geystay Marxuum Cabdi Haybe Khayre.

Dambiilaha, ayaa gacanta lagu soo dhigay kadib hawlgal degdeg ah oo ay fuliyeen Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana si degdeg ah loo horgeeyey sharciga.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay afar sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay saddex xubnood oo lagu helay gacansiinta dambiilaha, taas oo qayb ka ah dadaalka lagu sugayo ammaanka iyo in la xisaabiyo cid kasta oo ku lug yeelata dambiyada culus.

COMMENTS