Madaxweynaha Somaliland Oo Gaadhay Addis Ababa Ka Dib Martiqaad Rasmi Ah Oo Uu Ka Helay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya
October 14, 2025 - Written by maamule

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa gaadhay magaalada Addis Ababa, caasimadda dalka Itoobiya, kaddib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, waxa madaarka caalamiga ah ee Bole International Airport si maamuus leh ugu soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Itoobiya, Gedion Timotheos, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Federaalka Itoobiya.

Soo dhaweynta Madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd mid heersare ah oo diblomaasiyadeed, waxa na ay qaddar nasasho ah ku qaateen qolka VIP-da ee garoonka diyaaradaha Addis Ababa, ka hor inta aan si rasmi ah loogu galbin goobta ay degayaan ee magaalada.

Socdaalka Madaxweynaha, ayaa ka tarjumaya xidhiidhka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo la filayo in ay kulamo muhiim ah yeeshaan labada dhinac maalmaha soo socda.

COMMENTS