Jaamacadda Hargeysa oo Martigelisay Hadaljeedin Aqooneed Oo Dr. Bayle Kaga Hadlay Kobcinta Kheyraadka Dhaqaalaha
October 15, 2025 - Written by maamule

Jaamacadda Hargeysa, ayaa martigelisay hadaljeedin aqooneed oo uu jeediyay Dr. Cabdiraxmaan Duโ€™alle Bayle, La-taliyaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Somaliland. Hadaljeedintu waxay ku aadanayd “Kobcinta kheyraadka dhaqaalaha iyo hababka hal-abuurka leh ee lagu kordhin karo dakhliga iyo miisaaniyadda dawladda”.

Dr. Bayle, ayaa iftiimiyey muhiimadda ay leedahay qorshe dhaqaale oo hufan, maamul daahfuran, iyo dhiirrigelinta halabuurka bulshada, kuwaas oo ah tiirarka muhiimka ah ee lagu gaadhi karo horumar dhaqaale oo waara.

Halkan ka daawo: Dr. Bayle | Kobcinta Kheyraadka Dhaqaalaha: Hababka Hal-abuurka Leh ee lagu Horumarin karo Da….. – YouTube

COMMENTS