Sawirqaade reer Somaliland Oo Ku Guuleystay Abaalmarin Caalami ah oo Ku Saabsan Isbeddelka Cimilada iyo Caafimaadka Maskaxda
October 22, 2025 - Written by maamule

Sawir uu qaaday, Axmed Nuur Muuse, oo ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sawir uu ka qaaday tuulada Xaaxi, Somaliland, ayaa ku guuleystay abaalmarinta koowaad ee bandhigga caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada iyo Caafimaadka Maskaxda ee ay soo qaban-qaabisay Jaamacadda Glasgow ee dalka Scotland.

Sawirka guuleystay wuxuu muujinayaa xidhiidhka adag ee ka dhexeeya isbeddelka cimilada, dhalmada, iyo caafimaadka maskaxda ee bulshada reer guuraaga ah ee Somaliland. Farshaxanka sawirku, wuxuu iftiiminayaa sida dhibaatooyinka deegaanka ay si toos ah ugu saameeyaan nolosha iyo dareenka bulshada ku nool meelaha nugul ee miyiga ah.

Axmed Nuur Muuse, oo ka hadlay guusha uu gaaray, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu sawirkiisu noqday mid dunida u soo bandhigaya sheekooyinka nolosha dhabta ah ee reer Somaliland. Wuxuu yidhi: โ€œSawirkan wuxuu matalayaa adkaysiga iyo dulqaadka bulshada reer guuraaga ah ee Somaliland oo wajahaya caqabado isbeddelka cimiladu keentay.โ€

Axmed Nuur Muuse, oo sawirkiisu ku guuleystay abaalmarinta Jaamacadda Glasgow, ayaa sidoo kale shahaadada sare ee PhD ka diyaarinaya isla Jaamacadda Glasgow ee dalka Boqortooyada Midowday. Cilmi-baadhistiisu waxay diiradda saaraysaa isbeddelka cimilada, caafimaadka bulshada, iyo saameynta ay ku leeyihiin nolosha reer guuraaga ee Geeska Afrika gaar ahaan reer Somaliland.

Bandhigga Jaamacadda Glasgow ayaa diiradda saaraya sida isbeddelka cimiladu u saameeyo nolosha aadanaha, isagoo adeegsanaya farshaxan iyo sawirro si loo muujiyo xidhiidhka u dhexeeya deegaanka iyo caafimaadka maskaxda ee bulshooyinka kala duwan.

Guushan, ayaa astaan u noqotay koritaanka iyo hal-abuurka sawir-qaadayaasha Soomaaliyeed ee u adeegsanaya farshaxanka si ay dunida ugu gudbiyaan sheekooyinka iyo xaqiiqooyinka nololeed ee bulshada deegaanka

.

COMMENTS