Ciidanka Dab-damiska Somaliland Oo Badbaadiyay Gabadh Isku Dayday Inay Fooq Iska soo Tuurto
October 23, 2025 - Written by maamule

Hargeysa โ€“ Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Somaliland, ayaa ku guuleystay badbaadinta gabadh 20 jir ah oo isku dayday in ay iska soo tuurto foog saddex dabaq ah oo ku taalla degmada Gacmadheere, Hargeysa.

Ciidanka, ayaa adeegsaday saddex sallaan iyo saddex xadhig samatabixin (rescue lines) si ay ugu suurto gasho hawlgalkan adag oo lagu guuleystay in gabadha si nabad ah loo soo dejiyo fooqa. Ugu dambayn, gabadha ayaa si nabad ah loogu wareejiyey waalidkeedii.

Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Somaliland, ayaa bulshada ku wargeliyay fariin muhiim ah:

“Haddii aad u baahato gurmad degdeg ah, badbaado, ama samatabixin, wac lambarka gurmadka degdegga ah ee Ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Somaliland ee 990 ee shirkadaha Telesom, Somtel, iyo Soltelco. Allaa Mahad Leh.”

COMMENTS