Diyaaradaha dagaalka mareykanka ayaa duqeyn ay ka geysteen tuulo u dhow xuduuda Kenya ku dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka duqeyntan ayaa lagu sarkaal lagu magacaabo Bashiir Dheere oo ahaa Taliye kuxigeenka Al-Shabaab ee Jubadda Hoose iyo saddex sarkaal oo kale.
Wararka ayaa intaa ku daraya in markii la duqeynayay saraakiishan ay ku sugnaayeen banaanka Tuulada Kanjaroon oo u dhow xadka Kenya.
Bayaan ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in afartan Sarkaal lagu dilay weerar is-difaacid ah oo dhinaca cirka ah, kadib markii dhowaan Al-Shabaab ay weerareen Ciidamada Soomaaliya iyo la Taliyeyaal Mareykan ah oo ku sugnaa duleedka Kismaayo.
Saraakiisha Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa doorkooda la sheegay inuu yahay la talin, waxaana dhowr jeer oo hore jiray in Ciidamada Mareykanka ay ka qeyb qaataan howl galada ay fuliyaan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya.
Mareykanka ayaa horay duqeymo uu ku dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ka fuliyay Koofurta Soomaaliya, waxaana labo sano ka hor duqeyn lagu dilay Hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane oo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ku weerareen meel dibada ka ah Baraawe.