Maxkamadda Degmada Hargeysa oo Xukun Ku Riday Dambiile Faafiyey Muuqaallo Ka Hor Imanaya Diinta Islaamka
October 25, 2025 - Written by maamule

Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa maanta ku xukuntay Cumar Maxamed Ibraahim laba sano oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan 800,000 (siddeed boqol oo kun) oo shilin Somaliland ah.

Goโ€™aankan ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ay dhowaan gacanta ku soo dhigeen, Cumar, kaddib markii lagu helay faafinta muuqaallo ka hor imanaya diinta Islaamka, dhaqanka suubban, iyo badqabka bulshada.

Taliska Ciidanka Booliska JSL, ayaa sheegay in digniin adag la dirayo cid kasta oo ku hawlan falal ama dhaqan ka hor imanaya diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan ee bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo tilmaamay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo ku kacda ficillo la mid ah.

COMMENTS