Buug Laga Qoray Sooyaalka iyo Dhaqanka Hoggaamineed ee Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo la Soo Bandhigay
October 25, 2025 - Written by maamule

Munaasibad lagu soo bandhigay buug cusub oo laga qoray sooyaalka iyo dhaqanka hoggaamineed ee Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka dhacday magaalada Hargeysa.

Munaasibadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax ka kala socday goleyaasha dowladda, hoggaamiyeyaasha axsaabta qaranka, aqoonyahanno iyo marti-sharaf kala duwan, kuwaas oo dhamaantood muujiyey xiisaha iyo qadarin ay u hayaan shaqsiyadda iyo doorka Guddoomiye Saleebaan.

Intii ay xafladda socotay, waxaa lagu lafa-guray xogta iyo taariikhda buugga ku duugan, gaar ahaan saameynta siyaasadeed iyo midda bulsheed ee nolosha iyo hoggaaminta Mudane Saleebaan, oo loo aqoonsan yahay odayaal ruug-caddaa siyaasadeed iyo maamul ah.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, oo isagu goobta ku sugnaa, ayaa bogaadiyey qorayaasha buugga iyo dhamaan ka qaybgalayaasha munaasibadda, isaga oo xusay in qoraalka noocan ahi uu muhiim u yahay ilaalinta taariikhda iyo dhaqanka siyaasadeed ee dalka.

COMMENTS