Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo La Kulmay Shirkad Caalami ah oo Laga Leeyahay Imaaraadka Carabta
October 25, 2025 - Written by maamule

Hargeysa, 25 Oktoobar 2025 โ€“ Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa maanta magaalada Hargeysa kulan kula yeeshay wefti ka socday shirkadda caalamiga ah ee One National Energy, oo xarunteedu tahay magaalada Abu Dhabi ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu ku doonayso in ay xoojiso iskaashiga maalgashiga iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan macdanta iyo batroolka.

Intii uu kulanku socday, waxaa lagu falanqeeyay fursadaha maalgashi ee Somaliland iyo suurtogalnimada iskaashi istiraatiiji ah oo dhex mara Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta iyo shirkadda One National Energy, si loo kobciyo adeegyada tamarta iyo horumarinta ilaha dhaqaale ee dalka.

Weftiga shirkadda One National Energy waxaa hoggaaminayay Josef Jenik, Maamulaha Guud ee shirkadda, waxaana wehelinayay Jehad Al Mughairbi, Madaxweyne-ku-xigeenka shirkadda ADNOC, iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Salaax Maxamed iyo Saalax Xasan. Xidhiidhka kulanka waxaa hagayay Dr. Maxamed Aadan Xasan (Koodhaadhi), oo ah La-taliyaha shirkadda.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL, Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la helo iskaashi waara oo kor u qaada maalgashiga dalka, isaga oo xusay in dowladda Somaliland ay mar walba u furan tahay la shaqaynta shirkadaha caalamiga ah ee doonaya inay ka qayb qaataan horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ugu dambayn, labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda iskaashiga maalgashi waara, iyagoo muujiyay rajo wadajir ah oo ah in kulankani noqdo bilow guul leh oo xoojiya xidhiidhka Somaliland iyo shirkadaha maalgashi ee caalamiga ah.

COMMENTS