Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagaxdhigay Cisbitaal Weyn Oo Ay Taiwan Maalgelinayso
October 26, 2025 - Written by maamule

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa maanta dhagax dhigay Cisbitaal weyn oo casri ah oo ay maalgelinayso Dawladda Taiwan, kaas oo laga dhisayo magaalada Hargeysa.

Cisbitaalkan cusub, ayaa lagu maalgelinayaa 22 milyan oo doolar oo ay bixisay Dawladda Taiwan. Waxaa na la filayaa in uu noqdo mid ka mid ah goobaha caafimaad ee ugu horumarsan dalka, si weynna uga jawaaba baahida caafimaad ee shacabka Somaliland.

COMMENTS