Bangiga Dhexe ee Somaliland oo Fuliyey Soojeedintii Cabdirisaaq Shabeel Ee Hirgelinta Kaabado Lagu Taageerayo Dadka Laxaaddoodu Xaddidan Tahay
October 26, 2025 - Written by maamule

Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fuliyey soojeedin uu hore u jeediyey Cabdirisaaq Shabeel, oo ah muwaadin laxaadkiisu xaddidan yahay, kaas oo maamulka bangiga ka codsaday in dadka naafada ah ee isticmaala gaadiidka naafada loo fududeeyo gelitaanka gudaha bangiga.

Iyadoo laga jawaabayo codsigaas, Bangiga Dhexe ayaa hirgeliyay kaabado cusub oo casri ah oo loogu talagalay dadka naafada ah, si ay si fudud ugu galaan xarumaha bangiga una helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah barnaamijka daryeelka bulshada iyo sinnaanta adeegyada, kaas oo Bangigu ku doonayo in uu hubiyo in muwaadin kasta, iyadoo aan loo eegin xaaladdiisa jidheed, uu helo adeegyo bangi oo casri ah oo loo siman yahay.

COMMENTS