Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Xogwarran Qaran ah La Yeeshay Saddexda Xisbi Qaran
October 27, 2025 - Written by maamule

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Madaxtooyada kulan xog-warran qaran ah kula yeeshay hoggaanka sare ee saddexda xisbi qaran ee Somaliland: Waddani, Kaah, iyo Kulmiye.

Kulankan oo ahaa mid miisaan siyaasadeed leh ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada iyo xasilloonida qaranka, dhaqaalaha, geeddi-socodka siyaasadda, arrimaha dibadda iyo doorashooyinka soo socda. Madaxweynaha ayaa xisbiyada qaranka la wadaagay xog-warran ku saabsan xaaladda guud ee qaranka iyo jihada uu dalku u socdo.

Madaxweynuhu waxa uu hoggaanka sare ee xisbiyada uga xog-warramay ujeeddada iyo guulaha diblomaasiyadeed ee safaradii shaqo ee uu ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya. Waxa uu sheegay in labadan safar ay ahaayeen kuwo istiraatiiji ah oo kor loogu qaaday xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalkaas, isla markaana lagu xoojinayay iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga, iyo xogogaal u noqoshada arrimaha saamaynta inagu leh ee ka socda gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xusuusiyey xisbiyada in dimuqraadiyadda iyo wada-tashigu ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee ay dawladnimada Somaliland ku taagan tahay, isaga oo carrabka ku adkeeyey in nabadda, midnimada ummadda, iyo danta guud ee qaranka ay mar walba mudnaanta koowaad leeyihiin.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu xisbiyada uga xog-warramay habsami u socodka arrimaha gogosha nabadda ee Ceerigaabo, isaga oo sheegay in dedaallada nabaddu ay si wacan uga socdaan halkaas.

Madaxweynuhu waxa uu saddexda xisbi ku booriyey in ay xoojiyaan wada-shaqaynta xukuumadda iyo ta dhexdoodaba, si dalku u sii ambaqaado jidka nabadda, horumarka, iyo wada-tashiga qaran ee ay Somaliland ku caan baxday.

Dhankooda, hoggaanka sare ee xisbiyada mucaaridka (Kaah iyo Kulmiye) iyo xisbal-xaakimka (Waddani) ayaa soo dhaweeyey kulanka xog-warranka ah ee uu madaxweynuhu ugu yeedhay, iyaga oo tilmaamay in tallaabadani tahay tusaale wanaagsan oo ka tarjumaya dimuqraadiyad iyo qarannimo dhab ah. Waxa kale oo ay sheegeen in ay xukuumadda ku garab taagan yihiin arrimaha masiiriga ah ee qaranka Somaliland.

Kulankan xog-warranka ah ee saddexda xisbi qaran ayaa ahaa mid muujinaya dedaalka joogtada ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee ku aaddan ilaalinta wadajirka, xasilloonida, iyo wadatashiga siyaasadeed ee astaanta u ah qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaah Mahad Leh
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

COMMENTS