Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun waa mid ka mid ah culimada ugu caansan uguna saamaynta badan ee Soomaaliyeed, in ka badan 30 sano ayaana si joogto ah ugu soo jiray dacwada, wacyigelinta iyo toosinta bulshada. Mar uu dhalinyaro ahaa timo madow, iyo maanta oo timihiisu cadaadeen, wax wuu sheegaa, wuu waaniyaa, wuu wacyigeliyaa – Alle kheyr badan ha siiyo.
Aqoonta iyo Hab-fikirka Sheekha
Sh. Mustafe waa aqoonyahan cilmiga iyo caqliga isku darsaday, wuxuuna leeyahay maskax furan iyo hab-fikir cajiib ah oo qof kasta si fudud u fahmi karo. Ma jiro mowduuc uu ka aamuso – laga bilaabo diinta, siirada Rasuulka (SCW), taariikhda Islaamka, sayniska iyo tafsiirka Qur’aanka, ilaa siyaasadda gudaha iyo tan dibadda, xaaladda Soomaaliya, siraha reer galbeedka iyo nolosha qurbaha.
Muxaadarooyinkiisa waxaa lagu yaqaannaa in ay isu keenaan diinta iyo cilmiga casriga ah, isla markaana ay qofka baraan sida uu nolosha maanta ugu noolaado isagoo Alle ka cabsi qaba, fahamsanna dunida uu ku jiro.
Saameynta iyo Aragti-dheerida
Qof kasta oo dhageysta sheekha waxa uu ka helaa aqoon, baraarug iyo faham cusub. Waxaa la yaab leh in qodobadii uu ka digay ama sii saadaaliyay 30 sano ka hor maanta ay muuqdaan ama dhab noqdeen. Taasina waxay caddeyneysaa aragti-dheeridiisa iyo fahamka qotada dheer ee uu u leeyahay bulshada iyo adduunka.
Dhaxalka iyo Dardaaranka
Sheekh Mustafe waa nin Ilaahay ku maneystay maskax, faham iyo xikmad ka duwan inta badan dadka kale. Dhaxalkiisa cilmiga iyo muxaadarooyinkiisa waa hanti weyn oo ay jiilasha dambe ka faa’iidi doonaan. In kasta oo uu hore u reebay cilmi badan oo qiimo leh, haddana la rumeysan yahay in uu weli xambaarsan yahay khayr iyo aqoon badan oo aan weli la soo bandhigin.
Ilaahay ha xafido Sh. Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, kheyr badan ha siiyo, ha na ka dhigo mid sii wado toosinta iyo wacyigelinta ummadda Soomaaliyeed.