Caalamka Oo Cambaareeyay Xasuuqa Kooxda RSF Ee Magaalada Faashir, Sudan
October 29, 2025 - Written by maamule

Bulshada caalamka ayaa si xooggan u cambaareysay xasuuqa ay malayshiyada RSF (Rapid Support Forces) ka wadaan magaalada Faashir ee dalka Sudan, halkaas oo ay si arxan darro ah u laayeen carruur, haween iyo dad rayid ah oo aan wax ba galabsan.

Wararka ka imanaya gudaha Sudan, ayaa sheegaya in kooxda RSF, markii ay magaalada qabsadeen, ay fuliyeen falal ka dhan ah baniโ€™aadannimada, oo ay ku jiraan dilal, kufsi, gubid guryo iyo barakicin baahsan.

Beesha caalamka, ururrada xuquuqul insaanka iyo hayโ€™adaha gargaarka, ayaa ugu baaqay joojinta degdegga ah ee xasuuqa, iyagoo codsaday in la helo gelitaan baniโ€™aadannimo iyo in caddaalad la horkeeno cid kasta oo ku lug leh dambiyada dagaal ee ka socda Sudan.

Magaalada Faashir, oo ah caasimadda gobolka Waqooyiga Daarfuur, ayaa noqotay goob dagaal iyo xasuuq aan loo meel dayin, iyadoo kumannaan qof ay ka barakaceen halkaas, xaaladda aadanahanimo ee dalkaasna ay sii xumaanayso maalinba maalinta ka dambaysa.

COMMENTS