Dhacdo Naxdin Leh: Hooyo Ku Umushay Suuli Oo Ilmihii Suuliga Kaga Dhacay Iyo Ciidanka Dabdamiska Oo Soo Badbaadiyay
October 29, 2025 - Written by maamule

Dhacdo naxdin badan, ayaa ka dhacday xaafadda Plaza ee magaalada Burco, kadib markii hooyo si la ma filaan ah fooshu ugu qabatay suuli ay ku jirtay, halkaas oo ay ku umushay ilmihii na kaga dhacay godka musqusha.

Markii warbixintaasi soo gaadhay ciidanka Dab-damiska iyo Samatabixinta Somaliland, ayaa ay si degdeg ah uga jawaabeen, iyagoo musqusha dhinac ka qoday, si ay u soo gaadhaan ilmihii yar. Ciidanku waxay adeegsanayeen xirfado samatabixin oo sare, waxaana Alle mahaddiis ah in ay ilmihii si nabad ah uga soo saareen godka isagoo nool.

Kadib, waxaa ilmihii yaraa loo qaaday Cisbitaalka weyn ee magaalada Burco, halkaas oo lagu xidhay oxygen, waxaana la xaqiijiyay inuu hadda nool yahay oo xaaladdiisu ka soo raynayso.

Taliska Dab-damiska Burco ayaa sheegay in dhacdadani tahay mid mucjiso ah oo si weyn ugu farxeen, isla markaana ay mar kale muujisay halganka iyo heellanaanta ciidanka samatabixinta ee Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliska Dab-damiska ayaa ugu baaqay bulshada in ay ka feejignaadaan musqulaha duugoobay iyo bulaacadaha khatarta ah, isla markaana ay si degdeg ah u soo wacaan lambarka gurmadka 990 marka ay arkaan xaalad khatar ah ama qof u baahan samatabixin degdeg ah.

COMMENTS