Inantii Cunuhu Xidhnaa Ee Xalka Loo Helay!
November 1, 2025 - Written by maamule

Muddo labaatan sano ku siman waxay la noolayd xanuun culus oo ka hayay cunaha. Kaas soo ka dhigay in aanay awoodin in ay liqdo cunto adag. Nolosheedu waxay ku koobnayd dareere, sida caanaha iyo cabitaanno kale oo jilicsan, halka cuntada adag ay ahayd mid ka mamnuuc ah nolosheeda maalinlaha ah. Intii ay la daalaa-dhacaysay xanuunkaas, rajadu marar badan way sii yaraanaysay. Hase yeeshee, dhakhaatiir ku sugan cusbitaalka City Hospital oo ku yaalla magaalada Hargeysa, ayaa ugu dambayn ku guulaystay in ay daweeyaan.

COMMENTS