Somaliland Oo Soo Saartay Wareegto Cusub Oo Lagu Xakameynayo Duulimaadyada Ka Gudba Hawadeeda
November 2, 2025 - Written by maamule

Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Garoomada Diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday wareegto cusub oo dhigaysa in dhammaan, ayaa duulimaadyada rayidka ah — ha ahaadeen kuwo jadwal leh ama aan lahayn, ganacsi ama guud — ay khasab tahay in ay fasax hore ka helaan Somaliland (Overflight Permit) ka hor inta aanay soo gelin, marin, ama ka hawlgalin hawada Somaliland.

Wareegtadan oo dhaqan galaysa 10-ka Nofeembar 2025, waxaa lagu saleeyay heshiiska caalamiga ah ee duulista rayidka (Chicago Convention, 1944), iyadoo lagu adkaynayo madaxbannaanida dhuleed, baddeed, iyo hawadeed ee Somaliland.

Ujeeddooyinka laga leeyahay:

In la hubiyo in duulista hawada Somaliland ay noqoto mid amniga, nidaamka iyo badbaadada leh, iyadoo la raacayo heerarka iyo talooyinka ICAO.

In la xoojiyo maareynta hawada, saadaasha hawada, iyo xogta duulista.

In la dardargeliyo gurmadka deg-degga ah, degista farsamada, iyo howlaha Search & Rescue (SAR) ee garoomada Hargeysa Egal International Airport (HGA) iyo Berbera International Airport (BBO).

Wasaaraddu waxay sheegtay in duulimaad kasta oo aan fasax hore haysan loo arki doono jebin madax-bannaani qaran, lagu na qaadi doono tallaabooyin sharciyeed oo waafaqsan xeerarka qaranka iyo kuwa caalamiga ah.

Ugu dambayn, wasaaraddu waxay ku adkaysatay in ay sii wadayso ilaalinta duulimaad nabdoon, hufan, iyo wada-shaqeyn caalami ah, iyada oo u mahadcelisay shirkadaha duulimaadyada, waddamada deriska, iyo daneeyayaasha kale ee iska kaashanaya fulinta wareegtadan.

COMMENTS