Madaxweyne Cirro Oo Abaalmarin Guddoonsiiyey Ardaydii Ku Guuleysatay Hal-abuurka ICT-ga Somaliland
November 5, 2025 - Written by maamule

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, ayaa maanta guddoonsiiyey Abaalmarinta Qaranka ee Hal-abuurka Teknoolajiyadda (ICT) ardaydii ku guuleysatay tartanka halabuurka sannadka 2025ka.

Tartankaas oo qayb ka ahaa Carwada iyo Shirweynaha 7aad ee Teknoolajiyadda Somaliland, ayaa lagu soo bandhigay fikrado casri ah oo la xidhiidha horumarinta aqoonta iyo adeegyada dijitaalka ah.

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u hambalyeeyey ardayda Jaamacadda Camuud ee kaalinta koowaad qaaday, iyo sidoo kale ardayda Jaamacadaha Golis iyo Hargeysa ee kaalmaha labaad iyo saddexaad ku guuleystay. Wuxuu sheegay in guusha ardaydani tahay mid u taagan guusha guud ee qaranka Somaliland, isla markaana ay dhalinyaradu yihiin hantida ugu qaalisan ee uu dalku leeyahay.

Madaxweyne Cirro, ayaa xusay in mustaqbalka horumarka Somaliland uu ku tiirsan yahay halabuurka iyo aqoonta jiilka cusub, kuwaas oo door weyn ka qaadan kara dhisidda dhaqaalaha dijitaalka ah iyo adeegyada bulshada. Wuxuu ballanqaaday in xukuumaddiisu sii wadi doonto maalgelinta iyo dhiirrigelinta hal-abuurka dhallinyarada, si loo abuuro jiil tiknoolajiyad ku dhisan oo dalka u horseeda horumar la taaban karo.

Munaasabadda ayaa waxaa soo agaasintay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland, iyadoo ay ka qayb galeen wasiirro, madax jaamacadeed, iyo marti-sharaf kale oo qiimeeyay hal-abuurka ardayda Soomaaliyeed.n wasiirro, madax jaamacadeed, iyo marti-sharaf kale oo qiimeeyay hal-abuurka ardayda Soomaaliyeed.

COMMENTS