Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Bangladesh oo Dil ku Xukuntay Ra’iisul Wasaarihii Hore Sheikh Hasina
November 17, 2025 - Written by maamule

Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee dalka Bangladesh, ayaa dil ku xukuntay Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina, kadib markii lagu helay in ay bixisay amarradii keenay dilalkii dhacay 2024 intii ay socdeen bannaanbaxyadii ardayda iyo dhallinyaradu uga soo horjeedeen maamulkeedii lagu eedeeyay musuq iyo takoorka bulshada.

Sheikh Hasina oo hore uga baxsatay dalka ayaa lagu sheegay inay ku lug lahayd go’aannadii horseeday rabshadahaasi. Markii xukunka lagu dhawaaqay, sacab iyo farxad ayaa ka yeeray gudaha maxkamadda, iyadoo dadka qaar ay u arkayeen xukunka mid ku timid cadaalad la sugayay muddo dheer.

COMMENTS