Cilmiga Critical Thinking (fikirka tolmoon) waxa lagu bartaa dugsiyada iyo jaamacadaha caalamka, inkasta oo bulshadeenna aanay aqoon ahaan u tixgelin. Tusaale ahaan, waxa uu qofka baraa in uu ka fogaado fikir ama go’aan deg-deg ah oo ku saleysan laba-doorasho oo kaliya, isla markaana uu fahmo in arrimaha noloshu intooda badan yihiin kuwo adag, murugsan oo madow iyo caddaan toona aan ahayn.
Waxa jira laba aragti oo muhiim u ah go’aan-qaadashada:
1. False Dichotomy: In xaalad adag lagu soo koobo laba doorasho oo keliya. Tusaale ahaan , “Ama mushaarka ha la ii kordhiyo ama shaqada waa ka tegeyaa”.
2. Nuance and Complexity: In la aqoonsado in arrimaha noloshu yihiin kuwo murugsan, oo leh xulashooyin badan marka si qoto-dheer looga baaraan-dego.
Marka sida dhabta loo eego, aragtida labaad (nuance and complexity) waxay iftiiminaysaa dhibaatada aragtida hore (false dichotomy), waxayna dadka go’aanka leh ama hoggaamiyayaasha u iftiimisaa in aanay deg-deg ugu boodin laba doorasho midkood, balse ay furaan maskaxdooda oo ay eegaan xulashooyin badan oo suurtagal ah. Tusaale caan ah waa hadalkii muranka dhaliyay ee George W. Bush uu ka sheegay 9/11, oo nuxurkiisu ahaa: “Ama annaga ayaad la jirtaa ama cadawga.”
Haddaan dib u yar milicsanno tusaalihii aannu kor kusoo xusnay ee ahaa, “Haddii mushaharkayga la kordhin waayo, shaqada waan ka tagayaa!”
Tani waa tusaale cad oo false dichotomy ah: laba-doorasho oo kaliya ( kordhin ama tegis). Waxa se aannu qofkani tixgelin, tusaale ahaan:
1. In shirkaddu ay haysato qof beddeli kara qofkaas iyo in kale.
2. In uu qiimeeyo suurtagalnimada uu shaqo kale ku heli karo iyo khatarta uu wajahayo marka uu shaqada ka tago.
3. In qofkaasi uu eego fursado shaqo oo kale ama shaqo abuur uu qofkaasi aasaasi karo ka hor inta aannu labada go’aan keliya gaadhin oo uu adeegsado maahmaahdii ahayd, “Bakayle inta uu bur ku jiro ayuu bur kale asteystaa”.
Critical Thinking waxa uu qofka baraa in uu baadho dhammaan dhinacyada suurtogalka ah, kana fogaado laba-doorasho degdeg ah oo xaaladda uga sii dara. Si aanay qofka ugu dhicin “Wax badso wax beel ayey leedahay”.
Qofku, gaar ahaan hoggaamiyaha, waa in uu fahmaa in noloshu aanay ahayn laba-mid uun, balse ay tahay mid intaas ka qota-dheer. Inta badan, xaalad kastaa waxa ay leedahay in ka badan labo aragti, saamayn ka dhalata iyo fursado ama khatar ay keeni karto.
Halkaas ayaa nuance and complexity noqotaa aragti qoto dheer oo meesha ka saaraysa false dichotomy-ga degdega ah oo ah in hawlaha adduunku ay inta badan ka guda weyn yihiin inta markaas kuu muuqata.
Qoraalkan waxa aan u qoray si uu u noqdo baraarujin iyo dhiirigelin ku wajahan
Barashada Critical Thinking oo aan ahayn aqoon loogu talagalay kaliya aqoonyahannada ee uu yahay xirfad-nololeed uu qof waliba u baahan yahay, si uu u qaato go’aamo miisaaman, sida in uu dhageysto dadka kale, uu fahmo murugsanaanta nolosha, ugana fogaado ficillo degdeg ah oo laba-doorasho ku kooban.
Reference:
1. The Art of Critical Thinking by Dr. Awil Hashi
2. Critical Thinking, the basics by Stuart Hanscomb.