Qoraalkan waxa qoray, Xamse Qalas, oo ka badbaaday shil baabuur oo uu ku dhintay wiilkii uu meeshiisa uga durkay ee dhinaca ku hayey:
Wakhtiga iyo goobta midnaba ma dhaafi kartid! (اللهُ) Maalintii jimcaha (12 Dec 25), waan ka tagay gaadhigaygii waxaan go’aansaday inaan tago masaajidka guriga agtiisa haddaba anoo sii galaya, ayaa waxa hoonka ii garaacay walaalkay #C.Raxmaan Aw maxamuud, oo habaryartay dhashay, waxaana uu ii sheegay in maanta masaajidkii sh Mustafe dib loo furayo, oo aanu tagno, sidii baanu isku raacnay oo aanu kusoo tukanay. Markii aanu salaadda kasoo baxnay ayaa masaajidka waxa naga soo raacay laba inan kale oo mid cabdiraxmaan abti u yahay (Cusaama Sh.C.khaaliq), xagga gurigaanu usoo baxnay , Waxaanu dhexda kusii aragnay inan kale oo u abti yahay oo Maxamed Faysal la yidhaahdo waddadana iska sii lugaynaya oo uu la socdo qof kale haddaba inankan uu abtiga u yahay waa inankan ay cibradu ku sugan tahay, uuna eegtay inaanu galbinaynay isagoo ku wargeliyay inay nasoo raacan, sidiibaanay nagu soo raaceen,inankii kale xagga hore ayuu galay laakiin inankii daaqaddii aan fadhiyay ayuu kasoo wareegay, waxaanay noqotay inaan uuga durko halkaan fadhiyay, oo aan dhexdii galo isaguna uu xaggii daaqadda iga maro, sidiibaanu ku dhaqaaqnay intaanaanu 100 talaababa gaadhin ee aanu #Masalle_View marayno, ayuu c.raxmaan oo gaadhiga waday is yidhi gaadhi baas, sidaadu gaadhiga u leexiyayna waxay noqotay in kantaroolkii ka lumo oo jarkii xagga galbeed ka xigay gaadhigii ka duullo, isagoo xagga hoose ku tagay. Waxaana shilka ku nafwaayay Allah ha u naxariisto marxuun #Maxamed_faysal, ahaana inankii aanu u istaagnay uugu yeedhnay inuu nasoo raaco, waxay naftu i tidhi Allah ayaa idinku soo leexiyay oo yidhi marxuunkan wakhtiga iyo goobta uu ku dhimanayo lug kuma gaadhi karee hore u gaadhsiiya, sidiina aanu kusoo qaadnay, kana soo gaadhsiinay!! Dhibta kale ee shilka raacdayna waa Darawalkii(C.raxmaan) oo laba gacmood iyo kalxanbaa jabtay isaga insha Allah khamiista la qalayaa. Innamadii kalena waxba may gaadhin. #Anigana Ilaahay waxa uu yidhi maanta maaha maalintaadii, oo ajal kale ayaa kuu laaban. 1- Arinka 1aad waa Kursigii aan fadhiyay oo aan marxuunka uuga kacay, inta badan daaqadda waan jecelahay,laakiin inankani markii uu soo korey, waan ka durkay oo dhex daan maray, anigoo u arkay inay laygu yihi kursgigani waa kii lagu dhimanay ee marxuunkaa iska leh. Haddaba markii aan arkay gaadhiga oo mooska sii koraya ayaan anigu madaxa hoos u dhigay, anoo ku dhawaaqayay “laai’laaha illalaahu” kuna celcelinay wuxuu gigta sii guraba waxaan soo baraarugay, anigaa oo jiifa, dhiig maryahayga ka muuqdo, qof kale ee wada dhiig ahina(marxuunkii) iga hooseeya, dushaydana ay ka muuqato meel furani, waxaan markii arkay inay cagahaygu shaqaynayaan Alx, degdeg ayaan uugu kacay xaggii furneyd gaadhiga oo dhinac u jiifa aniga ayaa lugahayga kaga soo baxay, waxaan markiiba arkay dad badan oo nagu hareeraysan, doonayana inay toosiyaan gaadhiga, markii aan madax lasoo baxay ayay joojiyeen, qaarna ayba i garteen, markaasaan dareemay inuu dhabarku aad ii xanuunayo culaysna iga saaran yahay dagistuma i dhibayso wayna iga soo dajiyeen waxaanan ka codsaday dadkii i siday inay dhabarka i dhawraan, sidoo kalena Cusbitaalka Royal i geeyaan, waxaana isoo qaaday gaadhi uu waday C.raxmaan cali faarax, sidiibaa Royal laygu keenay, walow xanuunka aan dareemay uu igu fogaaday, Markii aan dhakhtarka imidna naqaskaa i yara qabtay, oxygentuna igu adkaatay, waxaana laygu xidhan Oxygen laakiin muddo yar kaddibba xaaladdaydii way fiicnaatay. 2-Arrinka labaad ee iyadana noqotay inaanay maalintaydii ahayn, waxay kasoo baxday shaybaadhadii, nooc walba oo u yahay; #A- #X_Raygii waxa uu sheegay inay laba feedhood dillac leeyihiin sidoo kale sambabada inyar ay dhaqaaqeen, hawana gashay sidoo kale jug yari soo gaadhay. #Laakiin, in lafahaasi kabniin iyo qalliintoona u baahnayn ee ay tahay in la dhargo uun sidoo kale samababadana dawooyin qalajiye ah lay siin doon ilaa saddex cishana lay baxnaanin doonno, haddii intaa naqasku igu qaban waayana ay u eegtay sidaa ku bogsanayo, xalay ku saddexna isumaan arag #B- #Ct_Scanku wuxuu sheegay in laf dhabarta T12 iyo L1 uu jabniin yari jiro. #laakiin xagga ay ka jabeen aanay ahayn dhankii ay neerfuhuu ka baxayeen, sidaa daraadeed aan dhib kale looga baqeyn laakiin la hubiyo iyo meel kale cadaadis ku hayaan oo MRI lagu sii hubiyo. C- Uugu danbeyn, #MRI ayaa sheegay inuu cadaadis ku dhacay 7 lafood oo kamida lafdhabarta(T7 illaa T12&L1), sidoo kalena labada danbeyaans jaban yihiin. #laakiin madaama cadaadiskaasi baahsanaa ay u sahashay inaanu aad u darnaan oo aanu hoos dhaadhicin isla markaana aanay u baahnay wax qalliina Waxaana lay qorey xanuun baabiyaha oo muddo gaabana iyo sidoo kale suunkan lafdhabarta oo la gashanayo muddo saddex bilood ah. Uugu danbeyn maanta ayuu cisbtaalku ayuu i fasaxay caawa ayaan ka baxayaa haddii Allah idmo anigoo wax walba oo dhacay uu Allah halka uugu fudud igala kullan siiyay. (الْحَمْدُ لِلَّهِ) Gebogebadii -Waxaan Allah uuga baryaya inuu naxariistii janno ka waraabiyo, marxuunkaa maalinta khayr badan,salaadda jimce kasoo baxay uu oofsaday . -Waxaan u ducaynayaa walaalkaygaa dhaawaca qaba inuu qalliimadaa iyo kabniinadda shinbir khayr qabaa uugu dhigo Allah ku caafiyo. -Waxaan leeyahay Allah digniin ay ku cibro qaataan ha uuga dhigo inteenna Allah ka samato saartay. -Waxaan u mahadnaqayaa dhammaan ehelkii iyo asxaabtii, dhibta nasoo gaadhay ay damaqday weliba kuwa sida qaldan ee naxdinta badan kusoo gaadhay, inta nasoo booqatay, inta noo soo ducaysay ee Allah ducadoodi noo aqblay inta niyadda nagu haysay, inta aan fariimahooda uuga jawaabin ee aanu wakhtigu ii samixin. Waxaan si gaara uugu mahadnaqayaa qoyskayga oo aanaan kala qaadayn waalid walaal iyo xaasba iyo sidoo kale dhammaan shaqaale weynaaha cusbitaalka Royal oo iyaguna marka horeba qoyskayga ahaa. Dhammaantiin Allah khayr ha idiinku badallo abaalkiinnana janno ha ka dhigo. Xame Qalas