Danjiraha Israa’iil ee UN: Golaha Ammaanka Oo Isniinta Kulan Degdeg Ah Isugu Imaanaya Kadib Aqoonsiga Somaliland
December 27, 2025 - Written by maamule

Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa sheegay:

“Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu Isniinta isugu imaan doonaa kulan degdeg ah, kaddib aqoonsiga ay Israa’iil u fidisay Jamhuuriyadda Somaliland.

Ka ma leexan doonno doodaha siyaasadeed ee aan loo baahnayn.

Israa’iil waxay sii wadi doontaa in ay u dhaqanto si masuuliyad leh oo si xeeladaysan, si loo xoojiyo iskaashiga ay la leedahay saaxiibbada gacan ka geysta xasilloonida gobolka.”

COMMENTS