Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Sharciga Midowga 1960 Aanu Ahayn Mid Qaran oo Buuxa; Hawlgalkii La-taliyeyaasha UN-ka ee Soomaaliya (1960–1964)
December 30, 2025 - Written by maamule

Warbixin rasmi ah oo ka soo baxday guddigii Qaramada Midoobay ee Isku-dhafka Sharciyada, ayaa sheegtay in hawshii ugu horreysay ee guddigu ahayd in la caddeeyo saamaynta sharci ee Midowgii Somaliland iyo Soomaaliya ee dhacay 1-dii Luulyo 1960.

Guddigu wuxuu gunaanad ku gaadhay in labada dokumenti ee midowga lagu dhisay—(Union of Somaliland and Somalia Law iyo Act of Union)—ay ahaayeen sharci ahaan cilad leh (legally defective), isla markaana aan loo qaadan karin inay leeyihiin awood sharci oo ka shaqaysa Jamhuuriyadda oo dhan. Warbixintu waxay intaa ku dartay in natiijooyinka sharci ee midowgaasi ay ahaayeen kuwo aan caddayn (uncertain), taas oo abuurtay jahawareer ku saabsan shuruucda, heshiisyada iyo nidaamka dawladnimo ee dalka.

COMMENTS