Tababar Ku Saabsan Isgaadhsiinta iyo Iskaashiga Badda Oo Hargeysa Looga Furay Ciidamada Ilaalada Xeebaha JSL iyo Socdaalka
January 26, 2026 - Written by maamule

Tababar ku saabsan maamulidda iyo iskaashiga isgaadhsiinta badda (Maritime Communication and Cooperation Training) ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa, kaas oo ay ka qayb galeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL iyo Ciidanka Socdaalka.

Tababarkan waxaa furay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha JSL, Admiral Axmed Hure Haariye, isaga oo ay weheliyaan Kenneth Niejness, Wakiilka Midowga Yurub ee barnaamijka EU CRIMARIO.

Tababarka waxaa soo diyaariyey oo fulinaya barnaamijka IORIS (Indo/Pacific and Red Sea Regional Information Sharing), waxaana lagu qabtay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Taliyaha ayaa ka hadlay muhiimadda uu tababarkani u leeyahay ciidamada ka qaybgalaya, isaga oo uga mahadceliyey barnaamijka IORIS iyo wakiillada ka socday Midowga Yurub, gaar ahaan Mr. Kenneth.

COMMENTS