Jiir dhex socda Cusbitaal Dhexdiisa Dalka Hindiya – Dhex wareegaya Sariiraha Bukaannada Waadhka
January 30, 2026 - Written by maamule

Muuqaal saamayn yeeshay oo laga duubay waaxda lafaha ee cusbitaalka Gonda Medical College ee gobolka Uttar Pradesh, ayaa muujinayo jiir dhex yaacaya sariiraha bukaannada, miisaska agtooda, qalabka faleebada iyo madaxa sariirta bukaan miyir-daran. Muuqaalka oo la duubay 14-ka Janaayo, ayaa si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada, isagoo dhaliyey cadho weyn iyo walaac xooggan oo ku saabsan nadaafadda iyo xaaladda caafimaad ee isbitaalka.

COMMENTS