Ciidanka Booliska JSL oo Ka Hadlay Nin Suuriyaan ah oo Muuqaal laga Duubay Xilli Askari Boolis ahi Garaacayeen
February 12, 2026 - Written by maamule

Ciidanka Booliska JSL oo war ka soo saaray nin Suuriyaan ah oo laga duubay muuqaal xilli askar boolis ahi garaacayeen:

“Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu halkan ku caddaynayaa wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee la xidhiidha kiis nin u dhashay dalka Suuriya, kaas oo muuqaallo ku faafiyey baraha bulshada, kana cabaanayay qaabkii loo qabtay.

Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu xaqiijinayaa in ninkaasi Maxkamadda Degmada Hargeysa ay u soo jartay waaran qabasho ah.

Si kastaba ha ahaatee, Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si aada uga xun yahay qaabka ay wax u dhaceen intii hawlgalkaasi socday. Sidaas darteed, waxa si degdeg ah tallaabo looga qaaday Askartii falkaas samaysay , waxaana haatan socda baadhitaan dheeraad ah.

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa mar walba ka goโ€™an ilaalinta sharciga, dhowrista xuquuqda muwaadiniinta iyo dadka ku sugan dalka, si waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo xeerarka dalka u yaalla.”

COMMENTS