Madaxweynaha Somaliland Oo Joojiyey Xafladaha iyo Munaasibadaha Abaal-marinta Shaqaalaha Dawladda
February 15, 2026 - Written by maamule

Hargeysa, 15 Febraayo 2026 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa si rasmi ah u soo saaray go’aan lagu joojinayo dhammaan xafladaha, munaasibadaha iyo barnaamijyada abaal-marinta shaqaalaha dawladda, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Febraayo 2026 ilaa amar dambe laga soo saarayo.

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada ayaa lagu wargeliyey dhammaan Wasaaradaha, Hay’adaha Madaxa-bannaan iyo Wakaaladaha Dawladda in ay si degdeg ah u fuliyaan go’aankan, isla markaana ay muujiyaan u hoggaansanaan buuxda.

Go’aankan ayaa Madaxweynuhu qaatay isaga oo tixgelinaya xaaladaha abaaraha ba’an ee ka jira qaybo badan oo dalka ka mid ah, kuwaas oo si muuqata u saameeyey nolosha iyo dhaqaalaha bulshada. Abaaraha ayaa sababay biyo-yaraan, waxyeelo culus oo soo gaadhay xoolaha nool, barakac iyo culays nololeed oo ku yimid qoysas badan, gaar ahaan bulshada reer miyiga ah iyo danyarta.

Madaxweynuhu waxa uu ku boorriyey hay’adaha dawladda in ay muujiyaan masuuliyad qaran, wadajir, naxariis iyo dareen-qaybsi la xidhiidha xaaladda taagan, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo xaaladaha bini’aadannimo iyo danaha guud ee Qaranka.

Si kastaba ha ahaatee, wareegtada Madaxweynaha ayaa si gaar ah u caddeysay in munaasibadaha furitaanka mashaariicaha horumarineed ee Qaranku aanay ku jirin go’aankan, isla markaana ay sii socon karaan.

Go’aankan ayaa imanaya xilli ay dalka ka jiraan xaalado abaareed oo culus, kuwaas oo u baahan dadaal mideysan iyo ka-fogaansho kharashaad aan daruuri ahayn, si diiradda loo saaro wax ka qabashada xaaladda bini’aadannimo ee taagan.

Sidan waxa shaaciyey Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

COMMENTS