Wasaaradda Deegaanka JSL Oo Dib U Furtay Seeraha Buurta Libaaxley Ee Boon Xilli Abaareedka
February 20, 2026 - Written by maamule

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland ayaa dib u furtay seeraha buurta Libaaxley ee degmada Boon, kaas oo hore looga xidhay dadka si looga ilaaliyo deegaanka. Go’aankan ayaa yimid xilli ay dalka ka jirto abaar adag, taas oo keentay in loo oggolaado bulshada in ay ka faa’iidaystaan daaqa iyo kheyraadka seeraha.

COMMENTS