Madaxweyne Kuxigeenka JSL oo Kormeer Shaqo ku Tagay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
March 1, 2026 - Written by maamule

Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa maanta kormeer shaqo ku booqday Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta. Waxa si diirran halkaas ugu soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda, Mudane Axmed Jaamac Barre, Agaasimaha Guud Dr. Shucayb Boqor Cismaan (Buurmadow), iyo guud ahaan shaqaalaha Wasaaradda.

Intii uu kormeerka ku jiray, Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu mid mid u eegay waaxaha kala duwan ee Wasaaraddu ka kooban tahay, isaga oo qiimayn ku sameeyey habsami-u-socodka shaqada iyo adeegyada ay qaranka u hayaan.

Sidoo kale, waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud, kuwaas oo si faahfaahsan uga warbixiyey hawlaha muhiimka ah ee Wasaaraddu u xilsaaran tahay iyo halka ay marayaan qorshayaasha horumarineed.

Sida uu baahiyey Xuseen Aadan Cige (Deyr), Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

COMMENTS