Wasaaradda Diinta JSL Oo Mu’addimiinta Masaajidda ku Wargelisay in la Raaco Jadwalka Rasmiga ah Ee Eeddaanka Salaaddaha
March 6, 2026 - Written by maamule

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda, Somaliland ayaa ku war-gelinaysa dhammaan Mu’addimiinta masaajidda dalka in ay si rasmi ah u raacaan jadwalka eeddaanka salaaddaha ee ay soo saartay wasaaraddu, si loo ilaaliyo wakhtiyada saxda ah ee salaadaha, gaar ahaan wakhtiga afurka bisha barakaysan ee Ramadaan. Si aanay dadku ugu jahawareerin xilliyada kala duwan ee eedaanka, ayaa wasaaraddu ku adkaynaysaa in si mideysan loogu dhaqmo jadwalkan rasmiga ah.

COMMENTS