Madaxweynaha Iiraan Oo Sheegay In Aanayn Weerari Doonin Dalalka Deriska ah Haddii Aan Weerar Lagaga Soo Qaadin
March 7, 2026 - Written by maamule

Madaxweynaha Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in golaha hoggaanka kumeelgaadhka ah ee dalkaasi ay goโ€™aamiyeen in Iran aanay mar dambe weerari doonin dalalka deriska ah, haddii aan weerar laga soo qaadin dhulkooda.

Pezeshkian, ayaa sidoo kale raalli-gelin ka bixiyay weerarradii hore ee saameeyey qaar ka mid ah dalalka gobolka Khaliijka, isaga oo xusay in Iran aanay cadow la ahayn dalalka deriska la ah.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu caddeeyey in Iran ay si adag uga jawaabi doonto haddii weerar laga soo qaado dalalkaas, isagoo ku adkaystay in siyaasadda dalkiisu tahay difaac iyo ilaalinta amniga qaranka.

COMMENTS