Donald Trump Oo Dalbaday In Iiraan Si Shuruud La’aan ah isu Dhiibto
March 7, 2026 - Written by maamule

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dalbaday in Iiraan ay si shuruud la’aan ah isu dhiibto, xilli ciidamada Maraykanka iyo Israa’iil ay sii wadeen duqeymaha ay ka fulinayaan Iiraan.

Trump, ayaa sheegay in Maraykanka iyo xulafadiisu ay ka dhigi doonaan Iiraan dal dhaqaale ahaan ka weyn, ka wanaagsan, kana xoog badan sidii hore, marka la doorto hoggaan cusub oo “la aqbali karo”.

Jimcihii shalay ayay afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, sheegtay in maamulka Maraykanku filayo in howlgallada milatari ay socon doonaan 4 ilaa 6 toddobaad.

Trump ayaa sidoo kale ku qoray bartiisa Truth Social:

“Wax heshiis ah lama gaadhi doono Iiraan marka laga reebo is-dhiibid aan shuruud lahayn.”

Wuxu intaa raaciyey oo uu yidhi: “Ka dibna, marka la doorto hoggaan weyn oo la aqbali karo, annaga iyo xulafadeenna geesinimada leh waxaan si hagar la’aan ah uga shaqayn doonaa in Iiraan laga soo celiyo qarka burburka, si loo dhiso dhaqaale ka weyn, ka wanaagsan, kana xoog badan sidii hore.”

COMMENTS