Kenya: Nin u Dhashay Shiinaha Oo Lagu Qabtay Tahriibinta 2,238 Qudhaanjo Oo La Soo Taagay Maxkamad
March 13, 2026 - Written by maamule

Nin u dhashay dalka Shiinaha, ayaa lagu soo taagay maxkamad ku taalla Kenya kadib markii lagu qabtay isagoo isku dayaya inuu si sharcidarro ah u tahriibiyo 2,238 qudhaanjo. Adeegga Ilaalinta Duurjoogta Kenya (KWS), ayaa maxkamadda u sheegay inay u baahan yihiin wakhti dheeraad ah si ay u dhammeeyaan baadhitaanka kiiskan, iyadoo dacwadda ninka ay weli socoto. Saraakiisha ayaa sheegay in arrintan ay la xidhiidhto tahriibinta noocyada cayayaanka oo sharci ahaan la mamnuucay.

COMMENTS