Fadeexad Dhisme: Buundadii Sabiib iyo Caanoole oo Burburtay Wax Yar Kadib Furitaankeedii
March 13, 2026 - Written by maamule

Buundada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo dib u dhis lagu sameeyey iyadoo uu maalgeliyey Turkiga isla markaana si rasmi ah loo furay 6-dii Diseembar 2025, ayaa maanta duntay kadib markii uu maray gaadhi xamuul ah oo ay wateen ciidamo.

Buundadan oo dhowaan lagu tilmaamay mashruuc horumarineed, ayaa waxaa xadhiga ka jaray wasiirro iyo masuuliyiin ka kala socday dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Waxaa na loo arkayey in ay fududaynayso isu socodka dadka iyo gaadiidka deegaanka.

Sawirrada hoose waa markii dib loo furayey buundada; markii la dhammeeyey dayactirkii lagu sameeyey:

COMMENTS