Ugu Yaraan 62 Oof Oo Ku Dhintay Fatahaado Daad Oo Ka Dhacay Kenya
March 16, 2026 - Written by maamule

Ugu yaraan 62 qof ayaa ku dhintay, oo ay ku jiraan 8 carruur ah, kadib daadad xooggan oo ka dhashay roobab culus oo ka da’ay dalka Kenya, sida ay sheegeen boolisku.

Caasimadda Nairobi ayaa noqotay meesha ugu daran ee ay masiibaddu saameysay, halkaas oo keliya laga diiwaangeliyey 33 qof oo dhimasho ah. Daadad degdeg ah oo habeenkii dhacay, ayaa qaaday gaadiid badan, sidoo kale waxay carqaladeeyeen duulimaadyadii ka duuli jiray garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta, oo ah garoonka ugu weyn Bariga Afrika.

Dhanka kale, in ka badan 2,000 qoys ayaa guryahooda ka barakacay kadib markii biyaha roobku ay ku fataheen xaafado badan.

Kooxaha gurmadka iyo shaqaalaha samafalka ayaa weli ka shaqeynaya soo saarista maydadka iyo badbaadinta dadka ku go’doonsan biyaha, iyadoo roobab xooggan ay weli ka da’ayaan qaybo badan oo dalka ah.

Mas’uuliyiintu waxay ka digayaan in tirada dhimashada ay sii kordhi karto, maadaama xaaladda roobabka iyo fatahaaduhu ay weli khatar yihiin.

🌧️ Fatahaadahan ayaa noqday mid ka mid ah masiibooyinka roobabka ugu halista badan ee dhowaan ka dhacay Kenya.

COMMENTS