Agaasimaha La-dagaallanka Argagixisada USA oo Ka Horyimid Trump Is na Iscasilay
March 17, 2026 - Written by maamule
Sarkaalka ugu sarreeya ee la dagaallanka argagixisada ee maamulka Trump, ayaa iscasilay sababo la xidhiidha dagaalka Iiraan, wuxuuna ku boorriyay madaxweynaha in uu “bedelo jihada.”
Warqad uu ku daabacay bartiisa X, Agaasimaha Xarunta Qaranka ee La-dagaallanka Argagixisada, Joe Kent, ayaa sheegay in Iran aanay ahayn “khatar degdeg ah” oo ku wajahan Maraykanka. Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay maamulka in uu “dagaalkan bilaabay cadaadis kaga yimid Israa’iil iyo lobby-ga awoodda badan ee Maraykanka.”
Kent, oo 45 jir ah, waa askari hore oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Maraykanka iyo CIA. Xaaskiisa, Shannon Kent, oo ahayd shaqaale Navy ah, ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Suuriya sannadkii 2019.
Aqalka Cad, ayaa diiday warqaddiisa, isagoo sheegay in Trump haystay “caddeymo xooggan” oo muujinaya in Iiraan qorsheynaysay in ay weerar ku qaaddo Maraykanka. Iscasiladdiisa kadib, Kent, wuxuu noqday sarkaalka ugu sarreeya ee si fagaare ah uga dhaliila howlgalka wadajirka ah ee Maraykanka iyo Israa’iil ee Iiraan.
Warqaddiisa uu u diray Trump, Kent, wuxuu ku eedeeyay mas’uuliyiin sare oo Israa’iili ah iyo wariyeyaal Maraykan ah in ay faafiyeen “warar khaldan,” taasoo keentay in madaxweynuhu ka leexdo siyaasaddiisa “America First.”
“Qolka dhawaaqa (echo chamber) ayaa loo adeegsaday in lagu qaldo adigoo aaminsan in Iran khatar degdeg ah ku tahay Maraykanka,” ayuu yidhi. “Tani waa been.”
Kent, oo ahaa taageere muddo dheer u ahaa Trump isla markaana laba jeer ku guuldarreystay inuu Congress-ka galo, ayaa si dirqi ah loo ansixiyay xilkiisa, iyadoo Dimuqraadiyiintu dhaliileen xidhiidhkiisa la sheegay ee kooxo xagjir ah.
Intii lagu jiray dhageysiga ansixintiisa, Kent, wuxuu difaacay sheegashooyin ku saabsan in hay’adaha federaalku door ku lahaayeen rabshadihii 6-da Janaayo, isla markaana Trump uu ku guuleystay doorashadii 2020.
Horey, wuxuu 11 jeer u baxay hawlgallo dibadda ah oo uu la galay ciidamada Maraykanka, oo ay ku jiraan ciidamada gaarka ah ee Ciraaq. Kadib wuxuu noqday sarkaal CIA ah, balse wuu ka baxay shaqada kadib dhimashada xaaskiisa.
Warqaddiisa, wuxuu ku sheegay aanu taageeri karin “in jiil cusub loo diro dagaal aan faa’iido u lahayn shacabka Maraykanka oo aan qiil u noqon karin khasaaraha nafaha.”
Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa ku tilmaantay hadalladiisa “kuwa aflagaado iyo qosol leh,” iyadoo sheegtay in Trump haystay caddeymo muujinaya in Iran weerar qorsheynaysay.
Wareysi uu siiyay New York Times, Tucker Carlson, ayaa ammaanay Kent, isagoo ku tilmaamay “ninka ugu geesisan ee aan aqaan,” isla markaana sheegay in aan si fudud loo iska indhotiri karin.
Carlson wuxuu sheegay in Kent ka tagayo shaqo uu ku lahaa helitaanka xog sir ah oo sare, isla markaana la filayo in lagu weeraro.
Waxaa jiray iscasilaado kale oo ka dhacay maamulka Trump, oo ay ka mid yihiin Margaret Ryan iyo Ric Grenell.